Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland oo la kulmay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya.
October 29, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco.
Kulan ayaa looga wada hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada dimuqraadiyadda, Amniga iyo Mashaariicda horumarin ee Dowladda Talyaanigu ka fuliso Puntland. Waxaa kulanka ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.
-DHAMMAAD-