Madaxweynaha JFS oo dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah

October 16, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xaafadda casriga ah ee Xeebta Luulka, taasi oo ay magaalada Muqdisho ka hirgalinayaan ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in hirgalinta mashruucani uu tusaale u yahay soo kabashada dalka, isla markaana uu weji cusub u yeelayo dowladnimada Soomaaliyeed, isaga oo faray dhammaan hay’adaha dowladda in ay ku garab istaagaan ganacsatada Soomaaliyeed sidii uu u guuleysan lahaa mashruucani.

“Dhismaha xaafaddan waa billowga Soomaaliyada cusub ee dib u qaabaysa dowladnimadeeda, isla markaana la tartamaysa adduunyada. Ganacsatada Soomaaliyeed ha aaminaan dalkooda, hana garab istaagaan dowladda iyaga oo bixinaya canshuuraha ku waajibay, si aan uga soo kabano dhibaatooyinkii na gaaray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidooda ku aaminay dalka, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya maalgashiga mashaariicda waxtarka badan u leh bulshada Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan garab istaagga dowladnimada Soomaaliyeed, si loo gaaro isku filnaansho qaran.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2024
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online