Madaxweynaha JFS oo furay Shirweynaha caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha Soomaaliya

October 1, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirweynaha caalamiga ah ee Maalgashiga Beeraha Soomaaliya, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dul istaagay fursadaha maalgashiga beeraha dalka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan xaqiijinta Soomaaliya ku habboon maalgashi, taas oo ay aas-aas u tahay dabar-goynta argagixisada, horumarinta shuruucda iyo dowladnimada, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ka mid noqoshada suuqyada iyo ururrada caalamiga ah ee ganacsiga.

Shirkaan oo ay ka soo qeyb galayaan khubarada beeraha dalka, ganacsato, maalgashadeyaal caalami ah iyo madax ka socda Midowga Yurub ayaa looga hadlayaa sidii kor loogu qaadilahaa wax soo saarka Beeraha dalka iyo ka faa’iideysiga fursadaha maalgashi ee Beeraha Soomaaliya.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2024
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online