Madaxweyne Deni oo la kulmay Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.
October 26, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Munaasabadda wqxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise , xubno ka mid ah Golaha Wakiillada ee Dowladda Puntland , Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil Madaxtooyo.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-