Madaxweyne ku xigeenka Puntland ka qeybgalay kulan lagu soo bandhiggayo wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland

October 19, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qeybgalay kulan lagu soo bandhiggayo wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Xeer-nidaamiyaha helista xogta.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey sida wadajir looga wada shaqeeyay dhinacyada ay khuseyso, in la helo Xeer ay leedahay Warbaahinta Puntland oo marxalado kala duwan soo maray, kaas oo xitaa wax-ka-bedelka lagu sameeyay hadda laga wada qeybgeliyay dhammaan dhinacyada ku shaqada leh.

Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku muujiyey in Dowladda Puntland, ay fursad furan iyo jawi aan cabsi laheyn siisay Warbaahinta Madaxa banaaan ee Puntland si ay waajibaadkooda u gutaan Iyadoo aysan jirin weriye la xiray, Xeerarka lasoo bandhigayna ay sii horumarin doonaan wadashaqeynta hufan iyo in Xeerku uu noqdo mid illaaliya qofku in uu xadgudbo iyo in lagu soo xadgudbo labadaba.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Warbaahinta Puntland doorkooda ku aadan Dowladnimada marxaladihii lasoo maray iyo kaalintii ay ka qaateen hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland, ayaa madasha kusoo bandhigay wax-ka-bedelka Xeerka Warbaahinta Puntland iyo Xeer-nidaamiyaha helista xogta, waxaana kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta, Goleyaasha Dowladda, Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka, Hay’adaha taageera Warbaahinta, Madaxda iyo Weriyeyaasha Warbaahinta kala duwan ee Puntland.

-DHAMMAAD-

Comments are closed.

Archives
October 2024
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online