Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo daah-furey shirka horumarinta Beeraha

October 16, 2024 - Written by Editor

Garoowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyna Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa daahfuray shirka horumarinta Beeraha oo socon doona muddo laba maalmood ah iyada oo lagu soo aadiyay Xuska Maalinta cuntada Adduunka.

Madasha ayaa lagu soo bandhigay cuntooyinka noocyadooda kala duwan ee ka baxa Beeraha gobolada Mudug, Nugaal, Karkaar, Bari, Sanaag iyo Haylaan.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Beeraleyda Puntland sida wanaagsan ee ay uga faa’iidaysteen khayraadka dalka isaga oo kula dar-daarmay inay sii xoojiyaan ka dowlad ahaana ay garab buuxa u yihiin Beeralayda dalka, sidoo kalena socdaan dedaalo dowladdu ugu raadinayso Beeralayda maalgashi balaadhan si ay ula jaan qaadaan Beeralayda gobolka.

Munaasabada waxa kasoo qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha, Maaliyada, Caafimaadka, Qorshaynta, Deegaanka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Warfaafinta, Wasiir Ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Biyaha iyo Tamarta, Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah ee Golaha Wakiilada, Hay’addo Caalamiya iyo masuuliyiin kale.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
October 2024
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online