Taliyaha Booliska DFS oo kormeer ku tagay Xarunta Taliska Boliiska Soomaaliyeed

October 1, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Wasiirka Amniga XFS mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, halkaasi oo uu si diirran ugu soo dhoweeyay Taliyaha xilka ka dagaya ee Ciidanka Boliiska Somaaliyeed Sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin.

Wasiirka iyo Taliyaha ayaa u kuur galay hannaanka shaqo ee Hoggaanada iyo Fadhiyada Madaxa Banaan ee Ciidanka Boliiska, wuxuuna Wasiir halkaas ugu Kala wareejiyey Galka Guud iyo hoggaaminta shaqada Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed. Waxaana si buuxda ula wareegey Xafiiska Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Taliyaha Cusub ee Ciidanka Boliiska S/guuto Asad Cusmaa Cabdulaahi

Taliyaha ayaa faray Saraakiisha in ay dardar galiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee xaqiijinta amniga dalka, ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ku dhaqanka xeerarka iyo shuruucda Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

—————DHAMMAAD——-

Leave a comment

*

Archives
October 2024
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online