War-Murtiyeed Xubnaha 2-da Aqal ee BJFS iyo Golaha Wakiilada DPL.[Video]
October 30, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliyaan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa laga soo bilaabo 24/10/2024 ilaa 30/10/2024 ku yeeshay magaalada Garoowe kulamo wadatashi, iyagoo ka duulaya waayaha iyo duruufaha ku xeeran Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland. Shirarkaasi waxay diiradda saareen hirgelinta hab-sami u socodka Dawlad-dhisidda, siyaasadda, amniga, iyo horumarka dhaqaalaha dalka.
Gunaanad: Xildhibaanada labada aqal ee BJFS iyo Golaha Wakiillada Puntland waxay ku baaqeen in la dhowro midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ka digaya ficil kasta oo dhaawacaya geedi-socodka Dowlad-dhisidda iyo siyaasadda dalka.
Hoos ka Akhriso Lifaaq ka akhriso War-murtiyeedka 2-da Aqal ee BJFS iyo Golaha Wakiilada DPL.
– DHAMMAAD –
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta