Madaxweynaha Jubaland oo kulan la qaatay Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka Jubaland
November 20, 2024 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka Jubaland Mudane Sheekh Abdi Yuusuf Cali.
Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha KMG ah ee Golaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay arrimaha Doorashooyinka iyo sidii si nabdoon oo hufan ay ugu dhammaan lahayeen qeybaha dhiman ee Doorashooyinka Jubaland.
—–Dhamaad—-