Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNHCR
November 6, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osman Lugatoor ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay’adda UNHCR oo uu hogaaminayey Madaxa Hay’adda ee xafiiska Puntland Mr. Xhemil Shahu.
Kulanka ayaa looga hadlay xal u helidda iyo maaraynta qulqulka muhaajiriinta ka imaanaya dalalka Yemen iyo Itoobiya, dib u dejinta dadka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa muddada dheer barakacayaasha ku ahaa, dar-dargelinta Barnaamijka Xalka Waara iyo xoojinta wadashaqaynta Hay’addaha Dowladda iyo UNHCR.
Kulanka waxa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo masuuliyiin kale .
=DHAMMAAD=