Ciidamada Puntland oo saldhigyo hor leh ka qabsaday kooxda Daacish

January 13, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Bari ayaa sheegaya in ciidamada Difaaca Puntland ee wada howlgalada ka dhanka ah kooxda Mujrimiinta ee Daacish ay saaka burburiyeen talisyo kala duwan oo ay ku dhuumaaleysan jireen kooxda Daacish.

Sarakaal ka tirsan ciidamada Difaaca Puntland ee qeybta ka ah howgalada Hilaac ayaa u sheegay Halgan.net in ciidamada Puntland ay dileen xubno ka tirsan kooxda Daacish ayna ka qabsadeen saldhigyada ku yaal Deegaanada Dhabancado ,  Gubad iyo Aroorka Awaydi .

Sarakaalka ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ayaa sheegay in saldhigyada ay qabsadeen ay kala yihiin .

1. Taliska Awaydi.

2. Taliska Wacariyaad.

3. Taliska Salnafeed.

4. Taliska Kaadilay.

Saldhigyada ay qabsadeen ciidamada Puntland ayaa waxay ku teedsan yihiin  Degmada Balidhidin oo ka tirsan gobalka Bari .

Dhanka kale ciidamada Difaaca Puntland ayaa waxay sidoo kale qabsadeen saldhigyadii Daacish ee Conqoro Iyo Digaale.

Taliska Difaaca Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ciidamo kale wuxuu ku daabulay saaka deegaano badan oo tirsan gobalka Bari si aysan firxadka ciidamada Daacish ugu baxsan deegaano kale oo ka tirsan Puntland.

Wixii warar ee soo kordha kala soco Halgan.net

A/Cawale

Halgan.net

Comments are closed.

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online