Guddiga Taakulaynta Ciidanka Puntland oo lagu wareejiyey 600 Oo Neef
January 21, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Guddiga Taakulaynta Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland Ee Ku Jira Hawl Galka Cirib Tirka Argagixisada Ee Hilaac Oo ka Kooban Wasiiro, Xildhibaano, La Taliyaal,Maamulka Gobolka Bari, iyo Kan Degmada Carmo ayaa Maanta Degmada Carmo Kula Wareegay 600 Oo Neef Oo Xoola Ah Oo Lagu Taakulaynayo Ciidamada Difaaca Puntland.
Xolahan ayay 400 Oo Neef Oo Kamida Kala Wareegeen Maamulka Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal Oo Ay Weheliyaan Masuulyiin Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Dawlada Puntland.
Maamulka Degmada Buraan Ee Gobolka Haylaan iyo Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Ayay Sidoo Kale Kala Wareegeen 100 Neef Oo Ari Ah Iyo Sahay Ay Ugu Tala Kaleen Ciidanka Difaaca Dawlada Puntland .
Halka 100 Neef Oo Ari Ah Ay Kala Wareegeen Wasiirka Wasaraada Horumarinta Haweenka Iyo Arimaha Qoyska Dr. Maryan Axmed Cali Iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Shariif Oo Ka Mida Golaha Wakiilada Dawlada Puntland.
Guddiga Taakulaynta Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland Ayaa Shacabka Puntland Iyo Maamulada Degmooyinka Iyo Gobolada Uga Mahad Celiyey Sida Wanaagsan Ee Ay U Barbar Istaageen Ciidanka Geesiyaasha Ah Ee Har Iyo Habeen U Taagan Difaaca Diinta, Dalka Iyo Dadka Reer Puntland.
———Dhamaad——–