Madaxweynaha Puntland oo tababar u soo xiray Ciidan loo diyaariyey wejiga Labaad ee dagaalka Argagixisada

January 30, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta ka qeybgalay bandhiga Ciidan ee diyaargarowga wejiga Labaad ee Argagixisada looga sifaynayo Buuralayda Cal-miskaad, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka ku sugan Cal-miskaad guulaha waaweyn ee ay ka gaareen wejigii koowaad ee hawlgalka. Isagoo xusay in Ciidanka bandhigga sameynayey si khaas ah loo tababaray oo ay ka qeyb qaadan doonaan wejiga labaad ee hawlgalka oo bilwomaya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geesiyaashii ku shahiiday intii uu socday wejiga koowaad ee hawlgalka ka socda Cal-miskaad, intii ku dhaawacantayna wuxuu allaah uga baryay in caafimaad dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa siweyn ugu boggaadiyey isku duubnida iyo garab Istaaga Ciidan ee ay sameeyeen dadka reer Puntland intii uu hawlgalka socday. Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay Haweenka Puntland oo garab istaag iyo dhiirigelin la garab taagan Ciidanka tan iyo markii uu bilowday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Munaasabadda diyaargarowga wejiga labaad ee hawlgalka argagixisada daacish looga ciribtirayo Cal-miskaad, waxaa lagu soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland oo soo dhameystay tababar gaar ah, isla markaasina ku qalabaysan hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona wejiga labaad ee Howlgalka ka socda Cal-miskaad.

– DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND –

Comments are closed.

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online