Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo soo gaaray dalka Jarmalka

January 14, 2025 - Written by Editor

Düsseldorf:-Madaxweyne ku Xigeenka Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor iyo weftigii uu hogaaminayey oo ku sugan dalka Jarmalka ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Xubno ka mid ah Baarlamaanka Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee dalka Jarmalka.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo adkeyn lahaa Iskaashiga labada Maamul iyo Mataanaynta Puntland iyo Nordrhein-Westfalens.

Xiriirka Puntland iyo Dowlad goboleedka Nordrhein-Westfalens ee dalka Jarmalka ayaa soo bilowday kadib markii September 2024 Madaxweyne Ku-xigeenka iyo wefti uu hogaaminayey ay safar shaqo ku yimaadeen dalka Jarmalka.

Safarka waxa Madaxweyne Ku-xigeenka ku weheliya Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Dowladda Puntland Maxamed Xasan Ibraahim, Senator Samiira Maxamuud iyo Madaxa La-Socodka Mashaariicda iyo Hawl-Fulinta Dowladda Puntland Mawlid Bashir Axmed.

———Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online