Wasaarada Warfaafinta Puntland oo ka warbixisay 5 Talis oo ciidanka Puntland ka qabsadeen Kooxda Daacish

January 21, 2025 - Written by Editor
Boosaaso:-Ciidamada Puntland ayaa sii xoojinaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, iyagoo guulo muhiim ah ka gaaray howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari. 24-kii saac ee lasoo dhaafay, ciidamada ayaa burburiyay shan talis oo muhiim u ahaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo ku yaallay inta u dhexeysa Ceel-Illeed iyo Hadiyo. ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐”๐ ๐ฎ ๐ƒ๐š๐ฆ๐›๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ Talisyada la burburiyay waxaa ka mid ah: 1. ๐ƒ๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ข๐ข ๐“๐š๐›๐š๐›๐š๐ซ๐ค๐š ๐ž๐ž ๐ƒ๐š๐š๐œ๐ข๐ฌ๐ก โ€“ Xarun muhiim ah oo lagu tababarayay dagaalyahanada cusub. 2. ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐€๐ฅ-๐ƒ๐š๐œ๐ฐ๐š โ€“ Xarun isku dhaf ah oo u adeegi jirtay maxkamad, xarun tashkiilin iyo goob faafinta fikirka argagixisada. 3. ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‚๐ž๐ž๐ฅ-๐ˆ๐ฅ๐ฅ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ’. ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š-๐๐š๐ฅ๐จ๐จ๐œ ๐Ÿ“. ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐‡๐š๐๐ข ๐—๐š๐ง๐š๐š๐ง Ciidanku waxa ay burburiyeen hub, qalab, iyo saanad ay argagixisadu adeegsan jireen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shidaal, geerashyo lagu farsameeyo qaraxyada iyo baabuur, iyo xafiisyo ay ku shaqeynayeen xubno sar-sare oo kooxda ka tirsan. ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐จ๐จ ๐…๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ Dagaalka oo sii xoogaystay maanta ayaa sidoo kale horseeday in ciidanka la wareegaan talisyo kale oo muhiim ah, oo ay ku jiraan: – ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐€๐ฅ-๐๐š๐ซ๐š๐ค๐จ – ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐ƒ๐ข๐ ๐š๐š๐ฅ๐ž – ๐’๐š๐ฅ๐๐ก๐ข๐ ๐ฒ๐š๐๐š ๐ก๐จ๐จ๐ฌ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐š ๐‡๐š๐๐ข-๐ƒ๐ก๐š๐ซ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐๐ข-๐—๐š๐ง๐š๐š๐ง. Waxyaabaha laga helay goobaha waxaa ka mid ahaa baasaboor Sacuudi ah oo uu lahaa mid ka mid ah xubnihii ka tirsan argagixisada Daacish, taasoo muujineysa xiriirada caalamiga ah ee kooxda. ๐‘๐ฎ๐ช๐š๐š๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐”๐ฃ๐ž๐ž๐๐๐š๐๐š ๐‡๐จ๐ฐ๐ฅ๐ ๐š๐ฅ๐ค๐š. Ciidamada Puntland ayaa ku sii ruqaansanaya buuraha, iyagoo bartilmaameedsanaya xubnaha kale ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada harsan. Ujeeddada howlgalka waa in gebi ahaanba la ciribtiro Daacish iyo awooddooda dagaal, iyadoo la xoojinayo amniga iyo xasiloonida gobolka. Howlgalkan ayaa ah mid muujinaya sida ay Puntland uga goโ€™an tahay inay meesha ka saarto khatarta argagixisada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ka hortagga halista ay miinooyinka iyo weerarada qorsheysan ku hayaan shacabka iyo ciidamada Puntland. ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐š Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada buuraha ku teedsan inay gacan ka geystaan soo gudbinta xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqa cadowga, taasoo qayb weyn ka noqonaysa sugidda amniga gobolka. -๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐ฆ๐š๐š๐-

Leave a comment

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUร‰ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online