Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo kormeer ku yimid Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo.

March 15, 2025 - Written by Editor

Carmo:-Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, oo safar shaqo ku yimid degmada Carmo, ayaa maanta kormeeray Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, halkaas oo uu tababar uga socdo dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dhammeystay jaamacadaha dalka, kuwaas oo ku biiraya Ciidanka Booliska Puntland.

Taliyaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Dugsiga Tababarka ee Carmo, Janaraal Muuse Xasaasi, saraakiisha kulliyadda iyo macallimiinta tababarka.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda kulliyadda, saraakiisha iyo macallimiinta, si uu warbixin uga dhagaysto. Taliyaha Dugsiga Tababarka, Janaraal Muuse Xasaasi, ayaa uga warbixiyay guud ahaan habsami-u-socodka tababarka iyo heerka uu marayo.

Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, oo ka hadlayay booqashadiisa, ayaa boggaadiyay shaqada adag ee ay qabteen masuuliyiinta iyo macallimiinta muddadii uu tababarku socday. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in tababarkani muhiim u yahay dhismaha ciidan aqoon leh oo heegan u ah sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga.

Wuxuu ugu dambeyn ku dhiirrigeliyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo masuuliyiinta in la sii laba jibbaaro dadaalka, si loo helo ciidamo tayo leh oo u adeegaya shacabkooda si hufan.

——-Dhamaad—-

Comments are closed.

Archives
March 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online