Nadwo diiniya oo xalay ka bilaabatay magaalada Berbara (Masawiro)
January 20, 2018 - Written by EditorBerbara:– Waxaa xalay si habsami leh uga bilaawday magaalada Berbara Nadwo cilmiyyeedkii sedaxdaad taas oo la qabto sanad walba waxaana lagu qabatay Masaajidka Shide Yare Berbera .
Xalay waxaa Muxaadarada koowaad waxa galay Sh Jimcaale Maxamed Xaashi oo ka mid ah culimada goblka saaxil ee berbera waxaanay ku saabsanayd waxyaalah qalbiga nooleeyay oo uu sheekhu si xeel dheer uga hadlay .
Nadwada oo ahayd mid si weyn ay u soo buuxdhaafiyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbara ayaa nadwada furay isku duwaha wasaarda diinta iyo awqaafta ee goblka saaxil Sh Maxamed Axmed Xuseen oo isaguna soo dhaweeyay nadwdaan iyo mawaadiicda ay ka hadleyso wuxuuna sheegayna in ay wasaardu garab taagantahay wixii tashiilaad ahna ay u samaynayso culimada.
no images were found
Nadwada ayaa waxaa socon doontaa mudo isbuuc ah waxaan ka mid ah culumada ka qeyb galeysa .
1-Sh Axmed Maxamed Suleymaan.
2-Sh Maxamed Cali Gadhle
3-Sh Xasan Khayr
4-Sh Mustafe Aden Maxamed
5-Sh Jimcaale Maxamed Xaashi
6-Sh Dr Xasan Sh Cali Warsame
7-Sh Feysal Cali Faarax
8-Sh Cismaan Cali Xusen
Musasada Al-karam
Berbara
Halgan.net