Sh.Dirir oo ku baaqay in la joojiyo colaad ka jirta Gobolka Sool kuna baaqay in la wada hadlo.[ Video]
January 21, 2018 - Written by EditorHargeysa:-Sh.Maxamed Cumar Dirir oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa maalintii Jimacada waxaa uu khudbadii Jimce ka dib jeediyey waano guud oo uu ka digayo in dadka Soomaaliyeed dhexdood laga dhex alooso dagaalo ku slaayam qaab beeleed.
Sh.Dirir ayaa waxaa uu ka hadlay colaada ka soo cusboonaatay Gobolka Sool guud ahaan gaar ahaan deeganka Tukaraq oo ay usbuucii la soo dhaafay ciidamo daacada u ah S/land ay qabsadeen halka kuwa Puntland ay ka baxeen deegaanka iyadoo wax dagaal ah uusan ka dhicin.
Sh.Dirir ayaa baaq nabadeed u jeediyey maamulka S/land iyo Puntland waxaana uu shiikhu ugu baaqay in la joojiyo colaada oo wax faa’ido ah aan cidna ka helayn bulshada Soomaaliyeed na ay ogaatay khasaraha iyo dhibaaatada laga dhexlay dagaalkii qabilka.
waxan u shiikhu wax lagu xumaado ku tilmaamay in shacabka Muslinka ah loo kala sameeyo xuduudo gumaysi dhigay ka dibna ay iyagu isku laayaan.
Hoos ka Daawo Sh.Dirir oo ku baaqay in la joojiyo colaad ka jirta Gobolka Sool kuna baaqay in lana wada hadlo
M_M_Deeq
Halgan.net