Diyaarad waday lacag fara badan Oo goor dhawayd lagu qabtay garoonka Aadan-cade
April 8, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Diyaarad lacag fara badan siday oo ka timid Imaaraadka Carabta lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisbo.
Saraakiil ka tirsan Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa ku sugan garoonka Muqdisho, kuwaasoo sugayay diyaarada, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo garoonka Muqdisho.
Ciidamada ammaanka ee garoonka ayaa ka war helay in lacag sido diyaaradan, iyagoo ku amray in la baaro boorsooyinka, taasoo uu ka dhashay muran.
Ismaandhaaf ku aadan lacagtan ayaa ka taagan garoonka, iyadoo diyaaradda timid garoonka ay diiday in la baaro.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qeyb ka mid ah lacagta loo wado Puntland, halka qeybta kalena u socoto Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku sii jeeda garoonka, kuwaasoo ku baxay is maandhaafka ka taagan diyaaradan lacagta lagu qabtay.
Ilo ku sugan garoonka ayaa ii xaqiijiyay in imaatinka diyaaradda lacagta siday laga war hayay, balse inta ay la egtahay lama oga cadadkeeda.
Lacagta ayaa waxaa loo waday ciidamada Puntland gaar ahaan kuwa Badda oo ay gacanta ku heyso dowlada Imaaraadka Carabta .
A/Cawale
Halgan.net