Afhayeenkii Shuurada Xisbul Islaam Ismail Cadow oo caawa lagu dilay Muqdisho
April 15, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Allaha u naxariistee waxaa caawa koox hubaysan ay ku dishay xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile Afhayeenkii hore ee golaha shuurada ee Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow oo 2 sano ee ugu danbeeyey ku noolaa magaalada Muqdisho, Sh Ismail Cadow ayaa ahaa garabkii Maxkamada islaamiga ee xarunta ka dhigtay magaalada Asmara waxaa ay aad iskugu dhawaayeen Sh Xasaan Daahir Aweys inta uusan ku biirin Ururka Al-shabaab.
Afhayeenkii hore ee golaha shuurada ee Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow ayaa waxaa uu ahaa ragga fara ku tiriska ah ee aan ku biirin ururka Al-shabaab ka dib markii Madaxda ururka Xisbul Islaam ay ku bireen ururka Al-shabaab waxaa uu ahaa Madaxdii ururka Xisbul Islaam ee uu dagaalka ku qabsaday Kismaayo xili ay doonayeen in ay qaboojiyaan dagaalkii dhex maray Xisbul Islaam iyo Al-shabaab ee ka dhacay magaalada Kismaayo.
Allaha u naxariistee Sh Ismail Cadow ayaa waxaa Khadiib iyo Imaamba ka ahaa maalmihii danbe masjidkii Muuse Boqor, dilka Sh Ismail Cadow ayaa dhacay ka dib markii gaari uu watay uu dhigtay Geerisk ka dibna uu u soo lugeeyey Xaafadiis ayaa dhagarqabayaal dileen ka dibna ay goobta ka baxsadeen. Sh Ismail Cadow ayaa waxaa kale oo salaadii Makhrib uu dadka ku tujiyey Hotel Ramadaan
Wixii ka soo kordha dilka Afhayeenka shuurada Xisbul Islaam Sh Ismail Cadow dib Ayaan idinkaga soo faahfaahin doonaa insha Allaahu
A/cawaale
Halgan.net