Dhagaxdhigga hoy casri ah oo loogu talagalay waxbarashada wiilasha. (Masawiro)
April 29, 2018 - Written by EditorXarfo:-Waxaa degmada Xarfo ee gobolka Mudug laga dhagaxdhigay hoyga waxbarashada wiilasha ee Muxammad Al-Faatix. Hoygan ayaa si siman loogu baranayaa aqoonta diiniga iyo tan maaddigaba, loona qorsheeyay in ay ku xaroodaan arday gaaraysa 1000 arday.
Machadkan oo ay iska fikraddiisa iyo qorshihiisaba hindiseen shacabka gaar ahaan qaar kamid ah bahda waxbarashada Soomaaliyeed ayaa waxaa dhagaxdhiggiisa ka qaybgalay masuuliyiin isugu jira culamaa’uddiin, dhaqan iyo siyaasiyiin.
Suldaan Sh. C/Qani Qorane oo kamid ahaa masuuliintii dhagaxdhigay hoyga ayaa ka warbixiyay ujeeddada kulleejada iyo baahida ay dabooli doonto isagoo sheegay inay ka faa’iideysan karaan ardayda Soomaaliyeed ee dal iyo dibad jooga iyadoo tayada waxbarashaduna la rajaynayo inay noqoto mid la tayo ah madaarista caalamka.
Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac iyo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland oo labaduba wax ka dhagaxdhigay kulleejadan ayaa bogaadiyay fikradda ballanna qaaday inay ku taageeri doonaan codkooda ugana ergeynayaan jiho walba oo dhismaha wax ka qaban karta, iyagoo shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay inay gacan ka gaystaan dhismaha Muhammad Al-Faatix Boarding School.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Xasan Abgaalow iyo guddoomiyaha degmada Xarfo ayaa iyaguna aad u bogaadiyay kana mahadnaqay mashruucan, kana codsaday bulshada inay ka qaybqaadato taabbagelintiisa.
no images were found
Kulleejada oo si wanaagsan loo naqshadeeyay ayaa la filayaa inay ka dabooli doonto qayb kamid ah baahiyaha aqooneed ee dalka ka jira kana jawaabi doonto cabashooyin iyo codsiyo is dabajoog ah oo ku saabsanaa in da’yarta degmada Xarfo iyo tuulooyinka hoos yimaada iyo guud ahaanba gobolka loo helo goobo waxbarasho oo u qalma baahida jirta.
Halgan.net
Degmada Xarfo