Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo furay Munaasabadda Mashruuca CAAFAG.
June 30, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa ka qeybgalay Munaasabadda qalinjebinta Dufcadii 7-aad ee Caruurta colaadaha ku lug lahaa oo la baray farsamada gacanta, sida Korontada, Biyo-gelinta iyo Farsamada gaadiidka.
Mashruucan oo magaciisa loo soo gaabiyo (CAAFAG) waxaa iska kaashaday Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Hay’adda UNICEF, tan iyo 2017-kii oo la billaabay waxaa ka qalin jebiyey 513 Arday, Caruurta aan qaangaarka aheyn ee colaadaha ku lug leh waxaa loo sameeyay xanaaneyn, daaweyn Cilmi nafsi Kadibna waxaa lasiiya 8-bilood oo cilmiga farsamada gacanta ah si ay ugu shaqeystaan oo u maareeyaan mustaqbalkooda.
Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, ayaa boggaadiyey oo mustaqbal wanaagsan u rajeeyay Ardayda bartay farsamada gacanta, isagoo muujiyey in ay Dalka ka jiraan fursado shaqo oo badan oo xagga farsamada gacanta ah, wuxuu Madaxweynuhu uga mahadceliyay Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha Qoyska iyo Hay’adda Unicef, sida loo joogteeyay mashruucan oo muhim u ah bulshadeena.
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-