Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada.
July 1, 2024 - Written by EditorGaroowe:-Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor ayaa qasriga Madaxtooyada DPL ee Garoowe kaga qayb-galay Calansaarka munaasibadda xuska maalinta Qaran ee 01, Luulyo, 64-sano kadib hanashada gobanimada dalkeena 1960-kii.
Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, waxaa uu shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaanba ugu hambalyeeyey munaasibadda maalinta qaran ee xoriyadda, waxa uu u rajeeyey nabad, horumar iyo midnimo.
Munaasibadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, Goleyaasha Dowladda iyo Saraakiisha laamaha Amniga .
-DHAMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-