Madaxweyne DFS Oo Ka Qeyb Galay Xuska Maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

December 21, 2024 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay, Xuska sannad guurada 81-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa hamblyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeerayaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaallada Dowladda ee dib u dhiska iyo horumarinta laamaha ammaanka, dib u xoreynta iyo Dimuquraadiyeynta dalka, isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan hirgalinta doorashooyinka Qof iyo Cod ee dalka ka qabsoomaya.

“Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo ku ammaanan shaqooyinka muhiimka ah ee ay dalka u hayaan, waxaa hortaala mas’uuliyad cusub oo ku aaddan sugidda amniga goobaha doorashooyinka. Ma jirto waddo aan ahayn doorasho toos ah oo innoo furan, waana in qof walba oo Soomaali ah u diyaar garoobo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada in ay si waafaqsan Shuruucda dalka u gutaan waajibaadka, isaga oo tilmaamay in hubka iyo agabka ay wataan uusan wax baddali karin, haddii aan la helin Saraakiil iyo Askar waddaniyiin ah oo ay ka go’antahay daacad ugu adeegidda dadkooda iyo dalkooda.

Munaasabaddan waxaa ka qayb-galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.

——DHAMMAAD———

Comments are closed.

Archives
December 2024
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online