War saxaafadeedka Puntland iyo Galmudug ee laga soo saaray Colaadii Galbeedka Mudug.[Video]

January 9, 2025 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Shirkii Mas’uuliyiinta labada Dawladood ee Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ka furmay January 05, 2025, loogana arrinsanayey sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa dirirta iyo colaadda soo noqnoqotey ee u dhaxaysay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase, horena looga soo saaray baaq wada jir ah oo ku aaddan xabbad joojinta labada dhinac ayaa maanta laga soo saarey go’aamada hoos ku xusan:-

1. Si loo fuliyo go’aamadii lagu gaaray wajigii hore ee gogosha nabadeynta Beelaha Sacad iyo Leelkase, waxaa la go’aamiyey in muddo 7 cisho gudahood ah lagu qabto guddiga garnaqa khilaafka labada beelood.

2. In xal laga gaaro dhacdooyinkii ka danbeeyey heshiiskii wajigii hore ee gogosha nabadeynta beelaha Sacad iyo Leelkase, iyada oo lala kaashanayo guddiga farsamada iyo Odayaasha Labada dhinac.

3. In guddiyada nabadda labada beelood, guddiga farsamada iyo odayaasha labada dhinac kala shaqeeyaan labada maamul xaqiijinta inaan dhib danbe dhicin.


—–DHAMAAD—-

Leave a comment

*

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online