Madaxweyne ku-xigeenka oo furay shirweynana horumarinta waddooyinka Puntland.
January 9, 2025 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa caawa furay Shirweynaha horumarinta Waddooyinka Puntland, oo ah kii koowaad ee noociisa ah, Shirkan oo socon doona (9-12 January 2025) waxaa soo diyaarisay Hay’adda Waddooyinka Puntland iyadoo ay kala qeybgashay Wasaaradda Hawlaha Guud.
Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay muuqaalo iyo warbixino ku saabsan hab u socodka dhismaha Waddooyinka Puntland iyo kharaashaadka ku baxaya, shaqooyinka dayactir, dib-u-dhis iyo hagaajin ee ku socota Waddooyinka Puntland, sidoo kale waxaa lala wadaagay madasha qorsheyaasha horumarin ee Shirkan lagu go’aaminayo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa xusay in Shirweynaha horumarinta Waddooyinka Puntland uu muhiim u yahay hirgelinta qorshaha Dowladda ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, isaga oo ku boggaadiyey Hay’adda Waddooyinka iyo Wasaaradda qabashada Shirka.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, Hay’adda Waddooyinka Puntland, Shirkadaha dhismaha Waddooyinka ee Puntland, Rugta ganacsiga Puntland, ganacstada, Dalladda Ururada Bulshada ee #PUNSAA iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.
-DHAMMAAD-