Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadlay Taageerada DFS ku taageertay Ciidanka Puntland.[Video]
January 15, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo shir Jaraaid ku qabtay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa uu ka hadlay Taageerada ay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku Taageereen howl galada ay ciidanka Daraawiishta Puntland ay ka wadaan Buuraha Calmiskaad gaar ahaan hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Hamze Cabdi Bare.
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxda Federaalka ay ku dhici weyday in ciidanka dowladda Puntland ku taageerto howl galka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada ah ee ISS.
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa yiri ‘’Raysal wasaaraha waxaa laga rabay in uu ku dhawaaqo wuxuu ku taagearyo Dowladda Puntland, waana eegaynaa taagero inay noqoto Durbaanka hablaha”
M_M_Deeq
Halgan.net