Wasaarada Warfaafinta Puntland oo ka warbixisay 5 Talis oo ciidanka Puntland ka qabsadeen Kooxda Daacish
January 21, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Ciidamada Puntland ayaa sii xoojinaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada Daacish, iyagoo guulo muhiim ah ka gaaray howlgallada ka socda buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari. 24-kii saac ee lasoo dhaafay, ciidamada ayaa burburiyay shan talis oo muhiim u ahaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo ku yaallay inta u dhexeysa Ceel-Illeed iyo Hadiyo.
๐๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ก๐ข๐ข ๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ฆ๐๐๐๐ฒ๐๐ฒ
Talisyada la burburiyay waxaa ka mid ah:
1. ๐๐ฎ๐ ๐ฌ๐ข๐ ๐ข๐ข ๐๐๐๐๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฌ๐ก โ Xarun muhiim ah oo lagu tababarayay dagaalyahanada cusub.
2. ๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ฅ-๐๐๐๐ฐ๐ โ Xarun isku dhaf ah oo u adeegi jirtay maxkamad, xarun tashkiilin iyo goob faafinta fikirka argagixisada.
3. ๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ-๐๐ฅ๐ฅ๐๐๐
๐. ๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐๐-๐๐๐ฅ๐จ๐จ๐
๐. ๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐๐ข ๐๐๐ง๐๐๐ง
Ciidanku waxa ay burburiyeen hub, qalab, iyo saanad ay argagixisadu adeegsan jireen, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shidaal, geerashyo lagu farsameeyo qaraxyada iyo baabuur, iyo xafiisyo ay ku shaqeynayeen xubno sar-sare oo kooxda ka tirsan.
๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐๐ก ๐จ๐จ ๐
๐๐ฌ๐ก๐ข๐ฅ๐ฆ๐๐ฒ
Dagaalka oo sii xoogaystay maanta ayaa sidoo kale horseeday in ciidanka la wareegaan talisyo kale oo muhiim ah, oo ay ku jiraan:
– ๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ฅ-๐๐๐ซ๐๐ค๐จ
– ๐๐๐ฅ๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐ข๐ ๐๐๐ฅ๐
– ๐๐๐ฅ๐๐ก๐ข๐ ๐ฒ๐๐๐ ๐ก๐จ๐จ๐ฌ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ข-๐๐ก๐๐ซ๐ข๐ง ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ข-๐๐๐ง๐๐๐ง.
Waxyaabaha laga helay goobaha waxaa ka mid ahaa baasaboor Sacuudi ah oo uu lahaa mid ka mid ah xubnihii ka tirsan argagixisada Daacish, taasoo muujineysa xiriirada caalamiga ah ee kooxda.
๐๐ฎ๐ช๐๐๐ง๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐ข๐ข๐๐๐ฆ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฃ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐ ๐๐ฅ๐ค๐.
Ciidamada Puntland ayaa ku sii ruqaansanaya buuraha, iyagoo bartilmaameedsanaya xubnaha kale ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada harsan. Ujeeddada howlgalka waa in gebi ahaanba la ciribtiro Daacish iyo awooddooda dagaal, iyadoo la xoojinayo amniga iyo xasiloonida gobolka.
Howlgalkan ayaa ah mid muujinaya sida ay Puntland uga goโan tahay inay meesha ka saarto khatarta argagixisada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo ka hortagga halista ay miinooyinka iyo weerarada qorsheysan ku hayaan shacabka iyo ciidamada Puntland.
๐๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฆ๐ง๐ข๐ ๐
Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa ugu baaqay shacabka ku nool deegaannada buuraha ku teedsan inay gacan ka geystaan soo gudbinta xogaha ku saabsan dhaqdhaqaaqa cadowga, taasoo qayb weyn ka noqonaysa sugidda amniga gobolka.
-๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐-