Go’aamada shirka Masuuliyiinta Labada Dawladood ee Puntland iyo Galmudug.

January 21, 2025 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Kulan muhiim ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta labada dawladood ee Galmudug iyo Puntland ee ku howllanaa nabadeynta Gobolka Mudug, kulankaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii xal kama danbays ah looga gaari lahaa colaadda iyo dirirta soo noqnoqtey ee u dhexeysa beelaha Sacad iyo Leelkase islamarkaana looga hortagi lahaa iskudhac danbe oo sababa khasaare nafeed ayaa lagu gaarey go’aamadaan;

1. In maleeshiyada labada Beelood ee dirirtu u dhaxayso la kala fogeeyo iyada oo la kala geynayo goobihii hore loogu asteeyey (Bandiiradley iyo Galdogob).

2. In dib loo hawlgeliyo ciidamadii nabadgelyada ee labada Dawladood, kuwaas oo u xilsaaran hubinta nabadda aagga ka caagan maleeshiyo beeleedka oo ah inta u dhexeysa Galdogob iyo Bandiiradley.

3. In guddiga farsamadu ay dedejiyaan qabashada guddiga xeerbeegtida iyo culamada ee ka garnaqa khilaafka labada Beelood siwaafaqsan heshiiskii labada beelood ee 02/10/2024, iyaga oo la tashanaya odayaasha dhaqanka labada Beelood iyo labada Dawladood.

4. In guddi gaar ah loo saaro falkii weerarka ahaa ee 18/01/2025 maleeshiyada kasoo jeedda Beesha Leelkase ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo si go’aan ku habboon looga gaaro muddo 48 saac gudahood ah.

5. In la tixgeliyo lana ilaaliyo dhammaan go’aamadii iyo heshiisyadii hore looga gaaray khilaafka labada beelood ee Leelkase iyo sacad lana fuliyo wixii hore loogu heshiiyey.

6. In isku socodka xoolaha lagu xakameeyo deegaanada hadda ay kala joogaan inta xal kama dambays ah laga gaarayo.

7. Fulinta iyo dhaqangelinta go’aamadaan waa in lagu xaqiijiyaa ugu dambayn 27/01/2025.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

Leave a comment

*

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online