Guddiga Taakulaynta Ciidanka Puntland oo lagu wareejiyey 600 Oo Neef

January 21, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Guddiga Taakulaynta Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland Ee Ku Jira Hawl Galka Cirib Tirka Argagixisada Ee Hilaac Oo ka Kooban Wasiiro, Xildhibaano, La Taliyaal,Maamulka Gobolka Bari, iyo Kan Degmada Carmo ayaa Maanta Degmada Carmo Kula Wareegay 600 Oo Neef Oo Xoola Ah Oo Lagu Taakulaynayo Ciidamada Difaaca Puntland.

Xolahan ayay 400 Oo Neef Oo Kamida Kala Wareegeen Maamulka Degmada Burtinle Ee Gobolka Nugaal Oo Ay Weheliyaan Masuulyiin Iyo Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Wakiilada Dawlada Puntland.

Maamulka Degmada Buraan Ee Gobolka Haylaan iyo Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka Puntland Ayay Sidoo Kale Kala Wareegeen 100 Neef Oo Ari Ah Iyo Sahay Ay Ugu Tala Kaleen Ciidanka Difaaca Dawlada Puntland .

Halka 100 Neef Oo Ari Ah Ay Kala Wareegeen Wasiirka Wasaraada Horumarinta Haweenka Iyo Arimaha Qoyska Dr. Maryan Axmed Cali Iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Shariif Oo Ka Mida Golaha Wakiilada Dawlada Puntland.

Guddiga Taakulaynta Ciidanka Difaaca Dawladda Puntland Ayaa Shacabka Puntland Iyo Maamulada Degmooyinka Iyo Gobolada Uga Mahad Celiyey Sida Wanaagsan Ee Ay U Barbar Istaageen Ciidanka Geesiyaasha Ah Ee Har Iyo Habeen U Taagan Difaaca Diinta, Dalka Iyo Dadka Reer Puntland.

———Dhamaad——–

Comments are closed.

Archives
January 2025
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online