Wararkii ugu danbeeyey howlgalada ciidamada Puntland ay ka wadaan Calmiskaad.
March 3, 2025 - Written by EditorBoosaaso:-Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish oo ku guda jira wajiga 3aad ayaa ka soconaya buuraleyda Cal-miskaad iyo deegaannada dhaca Uur-caleed, iyadoo ciidamada geesiyaasha ah ee Dowladda Puntland ku daba jiraan firxadka argagixisada.
Ciidamada ayaa maalmihii lasoo dhaafay sifeeyay argagixisada Daacish deegaannada Darayle, Gambara, Dhaban-Qooxle iyo Dul oo dhaca inta u dhacaysa deegaannada Tasjiic iyo Xabley ee Uur-caleed. Waxaana ay ku dileen xubno kamid ah argagixisada, kuwaas oo ahaa ajaanib.
Sidoo kale, ciidamada Difaaca Dowladda Puntland ayaa ku qabtay dooxadda teedsan Uur-caleed saddex xubnood oo Ajaanib ah, kuwaas oo laga helay astaamo muujinaya in ay yihiin firxadka argagixisada, waxaana hadda ku socda baaritaano dheeri ah, sida uu shaaciyay Taliska Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland.
“Ciidanku waxay qabteen Saddex Ajaanib ah oo duruuf weyn ka muuqato, Dooxada teedsan Uur-caleed ee u rogan xaga laamiga, waxaa soo gudbiyey dadka deegaanka. Baaritaan ayaa ku socda, waxaa laga helay Rasaas jeebabkooda iyo astaamo kale”.
—-Dhamaad—-