Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay Nabadoonnada iyo Cuqaasha Gobolka Bari

March 9, 2025 - Written by Editor

Boosaaso:-Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonnada iyo Cuqaasha Gobolka Bari, Kulanka oo ka dhacay qeybta shirarka ee xarunta Gobolka Bari waxaa looga hadlay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo ka socda buuralayda Cal-miskaad Kaasi oo galay wejigii 3-aad.

Madaxweynaha ayaa ku boggaadiyey bulshada Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland Garab Istaaga ay u muujiyeen Ciidanka, wuxuuna ugu baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dadkii Argagixisadu soo barakacisay ay dib ugu laaban lahaayeen deeganadoodii ay Ciidanku sifeeyeen ee ku yaalla Buuralayda Calmiskaad.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka , kan degmada Boosaaso, Saraakiisha Amniga, Cuqaasha, Nabadoonada iyo waxgaradka Gobolka Bari.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Leave a comment

Archives
March 2025
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
31  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online