Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo kormeer ku yimid Kulliyadda Tababarka Booliska ee Carmo.
March 15, 2025 - Written by EditorCarmo:-Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, oo safar shaqo ku yimid degmada Carmo, ayaa maanta kormeeray Kulliyadda Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Carmo, halkaas oo uu tababar uga socdo dhalinyarada aqoonyahanka ah ee dhammeystay jaamacadaha dalka, kuwaas oo ku biiraya Ciidanka Booliska Puntland.
Taliyaha waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Taliyaha Dugsiga Tababarka ee Carmo, Janaraal Muuse Xasaasi, saraakiisha kulliyadda iyo macallimiinta tababarka.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland waxa uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda kulliyadda, saraakiisha iyo macallimiinta, si uu warbixin uga dhagaysto. Taliyaha Dugsiga Tababarka, Janaraal Muuse Xasaasi, ayaa uga warbixiyay guud ahaan habsami-u-socodka tababarka iyo heerka uu marayo.
Sarreeye Guuto Muumin Cabdi Shire, oo ka hadlayay booqashadiisa, ayaa boggaadiyay shaqada adag ee ay qabteen masuuliyiinta iyo macallimiinta muddadii uu tababarku socday. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in tababarkani muhiim u yahay dhismaha ciidan aqoon leh oo heegan u ah sugidda amniga iyo ilaalinta sharciga.
Wuxuu ugu dambeyn ku dhiirrigeliyay dhammaan ka qaybgalayaasha iyo masuuliyiinta in la sii laba jibbaaro dadaalka, si loo helo ciidamo tayo leh oo u adeegaya shacabkooda si hufan.
——-Dhamaad—-