Bayaankii culimada ay ka soo saareen Nadwo shalay lagu soo afmeeray Masjidka Rowda ee Boosaaso.(Dhagayso)

April 28, 2011 - Written by

Boosaaso:-Nadwdii 9aad ee ka socotay Masjidka Al-Rowada ayaa caawa la soo afmeeray nadwada ayaa socotay mudo isbuuc ah waxaana ay culumada inta ay socotay nadwada ka bixiyeen nasaaix kala duwan waxayna ka jawaabeen su,aalo la weydiiyey.

Markii la soo khatimay Nadwada caawa ayaa culumada waxay ka soo saareen Bayaan khitaami ah waxaana uu u qornaa sidan.

Halkaan ka Dhagayso bayaanka culimada
Bayaankii gunaanadka kulan cilmiyeedkii 9aad ee Boosaaso 1432H- bisha 4aad 2011

بسم الله الرّحمن الرّحيم

Mahad oo dhan Ilaahay baa iska leh nabadgelyo iyo ammaanna, nabigeennni Muxammad ahaa, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacda ilaa qiyaamaha dushooda ha ahaato.

Intaa kadib

Baaq guud

  1. Waxaan naftayada iyo qeyrkeenba u dardaarmeynaa in aan Ilaahay ka dhowrsanno, iyo in aannan ka tallaabin soohdimaha diinteenna xaniifka ah inoo dhigtay meel aan joognaba.

 

  1. Waxaan ku baaqaynaa in laga waantoobo lana joojiyo dhiigga xurmada leh ee muslimiinta ee isku daadanaya hadduu yahay mid qabiil iyo mid siyaasadeedba, waana in wixii is maandhaaf ah lagu xalliyaa wada hadal iyo is af-garad, annagoo ku baaqeyna in si deg-deg loo joojiyo dagaalka fitnada ah ee ka socda magaalada Gaalkacyo.

 

  1. Waxaan aad u cambaareyneynaa Dilalka qorsheysan ee lagu bartilmaameydsanayo dadka bulshada indhaha u ah sida culimada, odayo dhaqameedyada, ardeyda iyo siyaasiyiinta annagoo si gaar ah usii cambaareyneyna qarxinta iyo weeraridda masaajidda oo ah goob Alle lagu caabudo laguna ammaan galo.

 

  1. Waa in qof walbaa uu dhawraa wada jirka iyo midnimadda ummadda si loo soo celiyo karaamadii, sharftii, iyo qarannimadii dadka soomaaliyeed.

 

  1. Waxaan ugu baaqaynaa bulshda madax iyo shacabba in ay dhawraan kaalinta culimada layskana ilaaliyo in loo gafo maadaama ay yihiin kuwii dhaxlay anbiyada looguna nooqn lahaa xalaasha iyo xaaraanta maadaama ay yihiin kuwa garanaya arrinkaas Allena u doortay kaalintaa wayn.

 

  1. Waxaan ka digaynaa qabyaaladda, gobolaysiga,iyo in la kala jeeso, sidoo kale waxaan ka digaynaa maandooriyaha oo dhan gaar ahaan qaadka oo ah dilaa aan naf iyo diin hambeyneyn. Waxaan kaloo ka digaynaa burcadnimada iyo xaalufinta dalka.

 

  1. Waxaan ka digaynaa faragalinta gurracan ee lagu hayo soomaaliya taas oo sababtay in dalku caga dhigan waayo, sidoo kalena sababtay in dalku barri iyo badba uu baylaho oo noqdo reer ba’ayoow yaa ku leh taas oo keentay in soomaaliya lagu shubo badeheeda iyo barrigeedaba sun khatar ah loona bixiyo Toxic Somalia (Soomaaliyada sumaysan).

 

  1. Waxaam ku baaqaynaa in aad loola socdo waxyaabaha khilaafsan diinteenna iyo dhaqankeenna ee ay caadaysteen hay’ado badan in ay waayadaan danbe faafiyaan taas oo la oran karo waa meel ka dhac aad u wayn oo aan loo dulqaadan Karin, haddaba maamulku waa in uu arrintaas dib u eegaa waxna ka qabtaa isla markaasna waa in culimada la qaataa waxa ay sheegaan inaysan sharciga ku bannaanayn.

 

  1. Dhibaha kala duwan ee la soo darsay ummadda soomaaliyeed sida abaaraha, colaadda, cudurrada iyo sharaf darridaba waa sunno kowni ah oo ka dhalatay ku gabood falka ku dhaqanka sharciga Alle, sidaa darteed waxaan mar kale ugu baaqeynaa ummadda Soomaaliyeed in ay Ilaahay u towbad keenaan koox-koox iyo kali kali, Rabbigoodna uga laabtaan wixii kallifay dhibka Soomaali gaaray meel ay joogtaba.

 

Culimada

  1. Culimada soomaaliyeed waa in kaalin baaxad leh ka qaataan toosinta bulshada madax iyo majaba isla markaasna ay hormuud ka noqdaan midaynta ummadda soomaaliyeed iskuna taxalujiyaan inay ka samata bixiyaan ummadda soomaaliyeed mareegta ku maran ee ay laildaranyihiin.

 

 

Madaxda

  1. Madaxda bulshadu waa inay u horseedaan dadka dariiqa toosan ee dhaqan dhaqaale iyo nololeed si ay u hagaagto aduunyada iyo aakhiraduba, waana inay xil mug leh iska saaraan u caddaalad falidda dadka ay xilalka u hayaan isla markaasna ay uga baqaan Allaah.

 

  1. Madaxda waxaa xil ka saaran yahay ilaalinta diinta, dalka, iyo dadkaba waana inay ka hormariyaan danahooda gaarka ah danaha guud ee ummadda.

 

  1. Madaxda siyaasadda, oday dhaqameedka, Culimada, aqoonyahanada kale iyo guud ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan waa in ay si guud ahaaneed ugu weelqaadaan hirgalinta ku dhaqan shareecada islaamka si loo raalli galiyo Allaah s.w.t.

 

Maamullada

  1. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan hay’adaha maamul ee dalka ka jira, kuwa wax-barasho, shirkadaha ganacsida, aqoonyahannada diinta iyo maaddiga iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, in ay howlqabadkooda ku saleeyaan shareecada Islaamka, hirgeliyaanna hannaanka ganacsi, adeeg, maaliyadeed iyo dhaqaale ee islaamku oggol yahay, kaasoo ah kan kaliya oo lagu gaari karo horumar, badbaado adduun iyo mid aakhiro.

 

Ganacsatada

  1. Ganacsatada waxaan ugu baaqaynaa inay ahaadaan xalaal miirad keenaanna dalka badeeco la hubo inay tahay mid wanaagsan ee aan ahayn aafo lagu hoobto sida daawo dhacday, mid kala dhantaalan, raashin dhacay, mid dhicidiisu dhawdahay, iyo mid tayadiisu liidato midnaba iyo wax alla wixii dhaawacaya bulshada iyo bii’adaba.

 

Qurbajoogta

  1. Waxaan ugu baaqeynaa dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool gaar ahaan waddammada reer galbeedka in ay dalkooda dib ugu soo laabtaan, si ay naftooda iyo ubadkooda uga badbaadiyaan qorshayaasha loo dejiyey ee lagu dhaqan iyo caqiiddo doorinayo, muddada ay ku jiraan u diyaargarowga geeddigana ay ku xirmaan maraakista dacwada ka howlgasha meelaha ay deggan yihiin diintana ku xalliyaad mushkilaadka lasoo dersa ee qof iyo qoys ahaaneed.

 

Warbaahinta

  1. Waxaan ugu baaqaynaa noocyada kala duwan ee saxaafadda soomaaliyeed in ay ka baqaan Alle ilaaliyaana diinta iyo akhlaaqda ummadda si ay adduun iyo aakhiroba u liibaanaan.

 

Dhallinyarada

  1. Waxaan ugu baaqaynaa da’yarta soomaaliyeed in ay ku dadaalaan cilmiga shareecada iyo takhasusaadka kal duwan ee cilmiga adduunyada ku tacaluqa si ay adduunka iyo aakhiradaba u ilaashadaan waana inay aad uga fakaraan sidii ay diintooda, dalkooda iyo dadkoodaba ay u hormarin lahaayeen iyagoo ka dab qaadanaya culimada faafinaysa diinteena xaniifka ah.

 

Dumarka

  1. Waxaan ugu baaqaynaa dumarka soomaaliyeed inay dhowrtaan diintooda, dhaqankooda, xishoodkooda iyo akhlaaqdoodaba, kana digtoonaadaa shirqoollada maldahan ee loogu kala beensheegayo ayaga iyo diinta islaamka.

 

 

Dalalka muslimiinta

  1. Waxaan kaloo ugu baaqaynaa dawaladaha muslimka ah, qurba joogta Soomaaliyeed iyo hay’adaha samafalka ee muslimiinta inay gargaar degdeg ah oo walaalnimo u fidiyaan dadweynaha Soomaaliyeed ee tabaalaysan, gaar ahaan kuwa ay isugu darmadeen abaaraha barakaca, cudurrada ayna ka qeybqaataan badbaadinta dadka oonka ugu le’anaya miyiga iyo magaaladaba.

 

Cambaareyn

  1. Waxaan cambaaraynaynaa qorshaha gardarrada ah ee ay Yuhuuddu ku doonayso inay ku dhalanrogto astaamaha magaalada ee Qudus iyo masjidka barakaraysann ee Al-Aqsaa, waxaana ugu baaqaynaa ummadda muslimka ah inay si wadajir ah uga hortagaan Yuhuudaynta masjidka Al-aqsaa.

 

Gabagabadii waxaan Ilaahay ka baryaynaa in Ummadda Soomaaliyeed uu ka saaro dhibaatooyiinka dabada dheeraaday, uuna waafajiyo wixii dantooda adduun iyo aakhiro ay ku jirto, Isaga uun baa arrintaas awoodee.

واللــــه ولي التوفيـــــــق

Culimada Ka qaybgashay nadwada

1. Sh. C/Qaadir Nuur Faarax

2. Sh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan

3. Sh. Daahir Aw-Cabdi

4. Sh. C/Raxmaan Maxamed Dhowre (Bukhaari)

5. Sh. Axmed-daahir Xasan

8. Sh. Maxamed Macallin Axmed

9. Sh. Shuceyb X. Nuur

10. Sh. C/Qani Qorane Maxamed

11. Sh Dr. Axmed Saadaq Eenow

12. Sh. Fu’aad Maxamuud X. Nuur

13. Sh. Maxamuud Maxamed Xalliike

14. Sh. Xuseen Sh. Maxamed Cismaan

15. Sh. Xasan Xuseen Axmed

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ASC CULUMADu Waa Mahadsan yihiin ficil ayaa laga rabaa Afka barkiisa lama rabo ee diinta ha ka run sheegaan waxa wax dilaya waa la garan nayaa marka runta sheega runta ku dhinta Janada ayaa galeysaan insha alaah waxan meel walba ayay ka socdan wadanka iyo diinta bohol ayuu ku dhacay waxa wadana waa nin meel kale laga hagayo marka waa inla iska qabtaa inta goori goor tahay

Leave a comment

*