Ciidamado ka tirsan DFKM iyo kuwa Ahlu suna oo la wareegay degmada Garbahaarey

April 28, 2011 - Written by

Gedo:-Ciidamado ka tirsan DFKM iyo kuwa Ahlu suna oo wada socda ayaa la wareegay gacan ku haynta degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ka dib markii ay ka baxeen ciidankii Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada la wareegay Degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa fariisimo ka sameysatay duleedka magaalada iyo xarumihii dowlada waxaana degan xaalada Degmada Garbahaarey .

Ciidanka Ururka Al-Shabaab ayaan iyana ka fogeyn Degmada Garbahaarey waxaana isku muuqda labada ciidan

Saraakiisha ciidanka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay uga baxeen Garbahaarey xeelad dagaal ayna dagaal dheer la gali doonaan ciidamada huwanta ah oo ay taageero siinayso Itoobiya sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Gobalka Gedo.

Qabsashada Degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa waxaa saxaafada u xaqiijiyey Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Khaliil

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2011
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online