Hogaamiyihii Dhaalibaan Pakistan Hakimullah Mehsud oo lagu dilay Waziristan.

November 1, 2013 - Written by Editor

Hakimullah MehsudPakistan:--Diyaaradaha Drone-ka ah oo ay leeyihiin  ciidanka Mareykanka ayaa maanta waxay weerar ku qaadeen kulan ay isigu yimaadeen hogaanka Dhaalibaan Pakistaan waxayna kulanka uga arinsanayeen wadahadal u socday dowlada Pakistan.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay hogaamiyihii Dhaalibaan Pakistaan Hakimullah Mehsud sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Ururka Dhaalibaan Pakistan.

Dowlada Mareykanka ayaa weeraro kala duwan ka geysta wadamada Pakistan,Yemen,iyo Soomaaliya balse waxaa weerarka lagu dilay Hakimullah Mehsud uu dhabar jab ku yahay kulamadii u socday dowlada Pakistaan iyo Ururka Dhaalibaan Pakistan.

Dowlada Mareykanka ayaa ku guuleystay in ay khaarijiso mar labaad hogaanka dhaalibaan Pakistan Hakimullah Mehsud iyada oo horey u khaarajisay Baytulaahi Maxsuud.

Dowlada Pakistan ayaan wili ka hadal weerarka lagu dilay Hakimullah Mehsud hogaankii dhaalibaan Pakistan halka uu Mareykanku ku faanay dilkiisa.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online