Dufcadii 5aad ee ka qalin Jabisay Machadka sare ee Al-Furqaan ee Buuhoodle (Masawiro+Muuqaal)

November 2, 2013 - Written by Editor

DSC00035Buuhoodle:-Magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn Waxaa Ka Dhacday Xaflad Aad u Balaadhan Xalfadaasi oo Lagu Sogootinayey Arday ka qalinjebisey Magacdaka sare ee AlFurqaan ee Magaalada Buuhoodle Ardaydaasi ayaa Tiradoodu Gaaraysay 31 oo isugu jira Rag iyo Dumar.

Xaflada waxaa ka soo qaybgalay wefdi heer sare ah oo ka soo kicitimay magaalada laascaanood oo ay hormuud ka yihiin daaciga weyn ee shiikh axmed maxamed sulaymaan, Eng/ jaamac c/laahi caydiid, iyo pro/c/risaaq maxamed aadan (lafoole).

Dhinaca gudaha magaalada waxaa ka soo qaybgalay xaflada garaad C/laahi Garaad Soofe oo shahaadooyimka ardayda gudoonsiiyey, caaqil C/samad Cali Xasan gudoomoyaha shirkada telesom. gudoomiyaha dacwada gobolka Sheekh C/casiis Ismaaciil Garaad Soofe, Sheekh Xasan Axmed Jaamac,  Cuqaal Waxgarad, Culima Udiin, ganacsato, Ururada Haweenka iyo Marti sharaf kaleoo ka kooban dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ardaydan ayaa wax ka baranjirey machadka xiliga habeenkii ah jaaniskooda subixii oo yar daraadiis, waxayna isugu jiraan, waalidiin, macalimiin, ganacsato iyo wawliba arday waxka barata subuxii dugsiyada sare ee maadiga ah.Munaasabadaasi Shahaadooyinka Lagu Gudoonsiinayey ardaydaasi ayaa wax ay ka Dhacday gudaha xarunta Macadka Alfurqaan ee Magaalada Buuhoodle.

no images were found

Ugu Horay Waxaa Madasha ka hadlay maamulaha Jaamacadda Bariga Afrika Faraceedda magaalada Buuhoodle  Sh Cabdishaafi Axmed Cali ahna maamulaha guud ee Machadka Al-furqaan Buuhoodle isagoona  hadal kajeediyey xafladda ayaa  Ku Dheeraaday Marxaladaha uu soo maray Macadka Alfurqaan waxana uu sheegay in ardaydani heleen Shahaado muctarif ah oo haysata aqoonsi caalami ah waxa uuna soo dhaweeyey marti sharafta xafladda ka soo qayb gashay halka uu bogaadiyey ardayda qalinjebinaysa,  .

Sidoo Kale Waxa halkaasi ka hadlay maamule ku xigeenka machadka Sheekh Axmed Maxamed axmed Samatar waxana uu sheegay in Macadku uu Ka Koobanyahay 3Qaybood 2 dugsi Sare ah iyo Hal Qayb oo Dugsi Hoose Dhexe ah sidoo kale waxa uu sheegay in macadkaasi la dhigto Galinka Danbe Galinka Hore iyo Habeenkii Sidoo kale Wax uu sheegay in Xafladani ay tahay Xafladii 8 oo Shahaadooyin Lagu Gudoonsiiyo Ardayda Ka Baxda Macadka AllFurqaan.

Sikastabaha ha ahaatee Macadka AlFurqaan ayaa Waxaa La,aasay Sanadii 2007 Waana Macadkii ugu Horeeyey ee Ku Baxa Luqada Carabiga ee Lagu Barto Shareecada Islaamika Lagana Hirgaliyo Magaalada Buuhoodle.

Ugu Danbeyntii Macadka Alfurqaan ayaa Ah Macad Lagu Barto Culuumta Islaamiga Waana Macadka Ugu Weyn Ee Lagu Barto Shareecada Islaamka Ee Ka Jira Magaalada Buuhoodle Tanyo Markii La,aasaasay Macadka Allfurqaan ayaa Waxaa Ka Qalin Jabisay Arday Aad u Tirobadan.

Hoos ka Daawo Dufcadii 5aad ee ka qalin Jabisay Machadka sare ee Al-Furqaan ee Buuhoodle

Abdirisak Mohamed.
Buuhoodle
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online