Culumo iyo Aqoonyahanno Booqday Jaamacadda Bariga Afrika Faraca Buuhoodle

November 2, 2013 - Written by Editor

DSC09939Buuhoodle:-Aqoon yahanadda kal ah Prof Cabdirisaaq Maxamed Aadan (Lafoole) Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, Sh Axmed Maxamed Saleebaan, madaxa mu,assada alkaram ee dacwada iyo hormarka ee gobolka sool iyo Eng Jaamac Cabdilaahi Caydiid, oo socdaal ku jooga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa booqasho ku tegey xarumaha muhiimka ah ee magaalada Buuhoodle.

Goobaha waxbarashada ee waaweyn ayaa kamid ahaa meelaha ay booqashada ku tageen aqoon yahanadani.

Ugu horayn habeenkii xalay  ayay tageen xarunta Jaamacadda Bariga Afrika faraceedda magaalada Buuhoodle halkaasoo ay kulan kula qaateen Ardayda dhigata Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda & Profosorada wax ka dhigata Jaamacadda muxaadarooyin iyo talooyin aad u qiima badanna waa laysugu sheegay .

Waxay ku baraarujiyeen ardayda inay ka mira dhaliyaan hamigooda tacliimeed iyagoo ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan Jaaniska ay haystaan maanta , kulankuna wuxuu soconayey muddo labo saacadood ku dhow.

Sidoo kale aqoon yahanadan ayaa saaka booqday Machadka ugu weyn Machaa’ida gobolka Cayn ee Al-furqaan Buuhoodle kaasoo ay dhigtaan boqlalaal arday.

Fasaladda kala duwan ee Machadka ayaa laysugu keenay hoolka machadka alfurqaan buhodle.

ugu horayn waxaa halkaa muxaadaro halkaa ka jeediyey Sheekh Axmed Maxamed Suleymaan  ciwaankiiduna wuxuu ahaa (dib u eedidda manhajka saxwada), kadibna waxaa ku xigay Eng/ Jaamac Cabdilaahi Caydiid oo ardayda kala hadlay kadigtoonaanta afkaaraha khaldan ugana taariikheeyey ardayda dhaqdhaqaaqa xarakada alshabaab iyo sida uu kusoo abuurmay iyo been abuurka ay ku hayaan culumada saxwada iyaga oo qaarna laayeyba.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay Pro Cabdirisaaq Maxamed Aden Lafoole oo sii naax naaxiyey hadalkii culimadaas korna u qaaday fekerka ardayda.intaa kadib ardayda ayaa bilaabay su,aalo ay culimada wydiinayaan iyo afkaar ay soo bandhigayaan.

kulanka ardayda machadfka alfurqaan buuhoodle ayaa qaatay 3 saacadood oo xidhiidh ah.

Booqashadan ay ku tageen goobaha waxbarashada ee magaalada Buuhoodle ayay aqoon yahanadu ku micneeyeen baraarujinta Ardayda & u kuur galka xaalada waxbarasho ee gobolka Cayn iyagoo aad u amaanay dadaalka fiican ee ka socda deegaanka.

Magaalada Buuhoodle ayaa mudooyinkan u muuqata mid ka horumaraysa dhanka waxbarashadda iyadoo xiligan deegaanka laga helo waxbarasho heer Jamaacadeed ah.

Musaasada Al-Karam Faraceed Buuhoodle
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online