Ciidanka maamulka gobolka Hiraan iyo kuwa AMISOM oo howl gal ka fuliyey Beledweyne

November 2, 2013 - Written by Editor

hiiraanHiiraan:-Waxaa maanta ay ciidanka maamulka gobolka Hiraan iyo kuwa AMISOM ee dalka Jabuuti ay howl galo ka fuliyeen qaar ka mid ah xaafadda magaalada Beledweyne, Ciidamadaan is garabsanaya ayaa waxaa ay howl galkooda ku bartilmaamsadeen xaafadda Buundo-weyn iyo howl-wadaag waxaan la arkayey ciidanka oo guri guri u gelayey.

Ciidanka maamulka gobolka Hiraan iyo kuwa AMISOM ee dalka Jabuuti ayaa waxaa ay hawl galkooda ay ku soo qabteen hub fara badan iyo dhalin yaro lagu tuhunsan yahay falal amni daro oo ka dhacay magaalada Beledweyne.Taliyaha ciidanka maamulka gobolka Hiiraan Col.Tawane Axmed Gureey oo la hadlay saxaafada ayaa waxaa uu u sheegay in howl galka ay ka fuliyeen maanta magaalada Beled weyne ay qayb ka tahay sugida amaanka iyo in ciidanku ay ka hortagaan kuwa ka danbeeyey dilalka qorshaysan ee lagu laayo waxgaradka Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidanka maamulka gobolka Hiiraan Col.Tawane Axmed Gureey ayaa saxaafada waxaa kale oo uu u sheegay in ururka Al-shabaab ay doonayaan in ay qaraxyo kale ka fuilyeen magaalada Beldeweyn sidaas darteedna ciidanka loo geliyey heegan.
Ururka Al-shabaab ayaa qarax ka fuliyey magaalada Beledweyne usbuucii hore waxaan ku dhintay 19 qof oo rayid u badan ,halka ay ku dhaawacmeen ilaa 30 kale , qaraxyada iyo dilalka ay Al-shabaab ka fuliyeen magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay dad rayid ah ,siyaasiyiin ,waxgarad Saraakiil ka tirsanaa ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed magac dheer ku lahaa Gobolka Hiiraan.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online