130 arday oo baratay Qur’aanka Kariimka oo xaflad balaaran loogu qabtay Minnesota (Masawiro)

November 4, 2013 - Written by Editor

10Minnesota :-Xaflad balaaran oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa loo qabtay arday gaareysa 130 arday kuwaas oo ka qalin jabiyey barashada Qur’aanka Kariimka waxaana xaflada soo abaabulay Dalad ay ku midaysan yihiin 15 dugsi Qur’aan oo ku yaalla gobolka Minnesota (Association MDA).

Xaflada oo ahayd mid aad u qurux badan farxadna laga dheehan karo ayaa waxaa ka soo qeybgalay dhammaan waaliddiinta iyo macallimiinta iyo ardayda xifdiyey Qur’aanka Kariimka ,Siirada Nabiga NNKH, Tajweed, Fiqiga ,iyo Caqiidada.

Guddoomiyaha dallada Dugsiyada Qu,aanka ee Gobolka Minnesota Cabdiqani Max’ed Garyare (Association MDA) ayaa faahfaahin ka bixiyey maraaxisha iyo midnimada dugsiyada qu,aanka ee gobolka Minnesota wuxuuna sheegay in ay xaflada ay iyagu qabteen

Xaflada ayaa ardayda waxaa la gudoonsiiyey Shahaadooyin waxaana gudoonsiiyey Sheekh Cabdiraxman Sh. Omar  oo ka mid ah culumada dacwada ka wada North America waxaa sidoo kale xaflada goobjoog ka ahaa.Sheekh Abu Fadli Sheekh C/laahi Ibrahim, Sh. Maxamed Mursal, Sh. Maxbuub, Sh.C/rashiid Aabi Cabdicasiis sugule.sh. C/khaaliq Jama Ismaaciil Mire, Cali xaaji, oo ka yimid San Diego iyo sh. c/khaalid bokor Diriye iyo sh. Cukaashe Xasan.

Dadweynaha iyo dhamaan waalidiinta ka soo qeybgashay xaflada ayaa aad uga mahad celiyey macalimiinta soo saaray arday qu,aanka Kariim iyo mawaad kale xifdisan kuwaas oo ku nool dal aan Islaam ahayn.

no images were found

Hoos Ka Daawo Xafladii balaarneed oo loo qabtay ardayda qu,aanka dhameysay Gobolka Minnesota

Halgan.net
Association MDA
Minnesota

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online