Shirka dib u heshiisiinta gobollada Jubooyinka oo la filayo in maanta la soo Afmeero
November 5, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Shirka dibu heshiinta gobollada Jubbooyinka ayaa maalintii 3aad ka socda magaalada Muqdisho waxaana maanta looga dooday shirka arimaha amniga iyo sidii looga dhigi lahaa ciidan rasmi ah Maleeshiyaad beeleedka ku sugan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Wasiirka arrimaha gudaha ee DFS ayaa shirka guddoominayay Shirka waxaana ay ergooyinka aad uga doodeen qaabkii maleeshiyaadka iyo kooxaha hubeysan looga dhigi lahaa ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa Jubba
Shirka dib u heshiisiinta ayaa ka socday magaalada Muqdisho 3 maalmod waxaana la filayaa in la soo gabagabeeyo galinka dambe ee maanta lagna soo saaro warmurtiyeed ay u dhenyihiin DFS iyo Maamulka KMG ee Jubba ee uu Madaxweynaha u yahay Ahmed Maxamed Islaam (Ahmed Madoobe).
Shirka ayaa waxaa maanta ka soo qeyb galay wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya
Tedros Adhanom iyo wufuud ka kala socota Midowga Afrika ,IGAD waxaana ay haatan ku sugan yihiin Hotel Jazeera oo uu ka soco Shirka dib u heshiisiinta ee gobalada Jubooyinka.
A/Cawale
Halgan.net