Golaha Wasiirada oo DFS oo soo dhaweeyey natiijada shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho

November 7, 2013 - Written by Editor

goleMuqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”, waxaana looga sugida amniga iyo natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta ee dadka Jubbooyinka.Kulankan ayaa warbixino looga dhegeystay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Cabdikariin Xuseen Guleed iyo Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi, waxayna ka warbixiyeen xaaladda amniga dalka

Wasiirka Amniga ayaa ka warbixiyay howlgalo ay todobaadyadii ugu dambeeyay ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho iyo sidoo kale howlgalo si gaar ah loogu baacsanayay kooxo xiran dareyska ciidanka oo jidgooyo u dhigta gaadiidka isaga kala goosha Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ciidamo gaar ah oo loogu talgalay la dagaalanka kooxahaasi burcadda ah ay gacanta ku soo dhigeen tiro kooxahaasi ka tirsan.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ka hadlay howlgalo ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo ay ku soo qabqabteen kooxo ka tirsan nabadiidka oo ku howlanaa falal lagu waxyeeleynayo amniga shacabka.

Dhanka kale, golaha Wasiirada ayaa si buuxda u soo dhoweeyey go’aanada iyo gebi ahaanba natiijadii ka soo baxday shirka dib u heshiisiinta ee dadka Jubbooyinka, waxayna xuseen in shirkani uu noqon doono mid horseeda nabad ku wada noolaanshiyaha dadka Jubbooyinka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada ayaa golaha Wasiirada ka dalbaday in wasaaraddaha dawladda ay ka shaqeeyaan sidii loo gaarsiin lahaa degaanadaasi Jubba adeegyada dadweynaha iyo mashaariicda horumarineed, maadaama degaanadaasi ay ka jiraan baahi dhanka horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online