Lix ka mid ah Musharaxiinta xilka Madaxweynanimada Puntlland oo soo saaray Baaq.[Masawiro]
November 7, 2013 - Written by EditorNairobi:-Annaga oo ah xubno ka mid ah murashaxiinta u tartamaya hoggaanka sare ee Puntland, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 6/ 11/ 2013, waxaan kulan hor-dhac ah ku yeelaney magaalada Nairobi (Kenya).Waxaan kuqaadaa-dhigney duruufaha adag ee ku xeeran doorashada madaxweynaha dowladda Puntland ee dhici doonta 8/ 1/2014, iyo habsami u socodka looga baahan yahay.
Labadaas arimood oo ah kuwo aanan isu dheelli-tirneyn ayaau muuqatey dhamaan murashaxiintayada kulantey. Sidaa darteed waxaanu isla-garanay in ay lagama maar maan tahay in la helo qaab doorasho oo ku dhisan wadatashi dhammaan inta ay khuseyso sida Issimadda, Dowladda,musharixiinta, Iyo bulshada rayidka ah, taas oo suurta-gelin karta doorasho hufan oo caddaalad ku dhisan.
Dooddheer iyo falanqeyn badan dabadeed, waxaanu isla-gaarney qodobadan hoos ku xusan:-
1. Murashaxiintu markii ay dhamaantood gudihii dalka tagaan, in ay dhistaan dallad mideysa si iyaga oo wadajir ah ay u raadiyaan doorasho hufan oo is-beddel keenta.
2. Waxaan taageero buuxda siineynaa bayaankii Gaalkacyo ee ku taariikheysnaa 29/ 10/ 2013, kaas oo ay soo saareen qaar kamid ah murashaxiinta Puntland. Qodobadiisii lixda ahaa ayaanu u aragnaa in ay saldhig u yihiin doorasho hufan oo dad-weynaha Puntland ay ku kalsoonaan karaan.
3. Issimada Puntland waxaanu ugu baaqeynaa in ay gutaan xilka taariikhiga ah ee ka saaran wadajirka iyo nabadgelyada Puntland.
Sidaas awgeed, murashaxiinta bayaankan saxiixay, waxay ku baaqayaaan qabsoomidda shirkii Isimmada ee uu gogoshiisa dhigay Qardho ku-simaha Boqorka, welina aan la laabin, si ay u turxaanbixiyaan mad-madowga soo kala dhex-galey beelaha walaalaha ah ee wada dhistay dowladda Puntland (1998).
4. Waxaan u mahad-celineynaa beesha caalamka dadaalka ay la garab-taagan tahay in doorashada Puntland ay u dhacdo si hufan, loona sii adkayn lahaa nabadgelyada Puntland, gaar ahaan caasimada Garoowe. Murashaxiinta bayaankan saxiixay, waxay ka codsanayaan Bulshada caalamka inay sii xoojiyaan la socoshada, ayna goob-jooge ka noqdaan hannaanka doorashada, si doorashadu ay u noqoto mid loo dhan yahay loona siman yahay.
5. Murashaxiinta bayaankan saxiixay, waxay soo jeedinayaan in doorashadu ku dhacdo wakhtigeeda oo ah 8/01/2014. Isla markaasna u dhacdo si nabad ah.
6. Qeybaha bulshada Puntland ee kala duwan, dhamaantood waxaanu ugu baaqeynaa in ay adkeeyaan nabadgelyada. Islamarkaas ay ka shaqeeyaan sidii doorashadu ay inoogu dhici lahayd qaab hufan, wanaag iyo hiraalna ku kordhisa aayaha wanaagsan ee shacabkayagu uu tiigsanayo.
no images were found
Murashaxiinta bayaankan soo saarey waa:-
1. Xaaji Maxamad Yaasiin Ismaaciil
2. Mr. Maxamad Cabdi-Nuur Xirsi
3. Prof. Cabdi-weli Maxamad Cali-Gaas
4. Dr. Cali Xaaji Warsame
5. Dr. Saadiq Maxamad (Enow)
Wa-billaahi Tawfiiq.