Rasaas caawa laga maqlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari

November 8, 2013 - Written by Editor

ciidanBoosaaso:-Waxaa caawa laga maqlay magaalada Boosaaso rasaas ay rideen ciidanka ilaalada ka ah xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ka dib markii weerar lagu soo qaaday waxaana gurmad ugu tagay Ciidamo ka tirsan kuwa PIS-ta oo goobta ka agdhawaa kuwaas oo riday rasaas tiro badan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in koox aan la aqoon oo saarnayd gaari ay rasaas huwiyeen ilaalada xabsiga Boosaaso ka dibna ay ciidanka ilaalada ka hayey ay iska caabiyeen.

Waxaa kale oo Bam gacmeed lagu tuuray xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso iyada oo ilaalada ay ku jawaabeen rasaas.Ilo wareed ku sugan magaalada Boosaaso ayaa u sheegay Halgan.net inuu maqlay rasaasta  balse uusan ogayn  sababta ay ciidan ku u rideen rasaasta iyo cid soo weerartay maadama waqti danbe ay hadda u tahay magaalada Boosaaso.

War hordhac ah oo na soo gaaray ayaa sheegaya in taliye ku xigeenkii xabsiga uu geeriyooday waxaana dhaawac uu soo gaaray taliyaha xabsiga Shire Siciid.Ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland ayaa ku soo biiray  howlgalo iyo baaritaano la xiriir cid ka danbaysa weerarka iyo rasaasta lagu furay Xabsiga magaalada Boosaaso.

Warka oo faahfaahsan ayaa maalinta beri ah idiin soo gudbin doonaa insha Allaahu ee ha moogaanina

Halgan.net
Boosaaso, Somalia

Leave a comment

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online