Dowladda Federaalka iyo Kenya oo Heshiis ku kala saxiixday magaalada Nairobi (Daawo)

November 10, 2013 - Written by Editor

IFONairobi:-Magaalada Nairbi ayaa waxaa maanta ka dhacaya shir saddex geesood ah oo looga hadlayo dibu laabashada qoxootiga Soomaaliyeed.Shirka, ayaa waxaa ka qeyb galaya dowladda Kenya, tan Soomaaliya, iyo hay’adda qoxootiga u qaabilsan adduunka ee UNHCR, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii ay dib ugu laaban lahaayeen  qoxootiga Soomaaliyeed ee xeryaha dalka Kenya ku jira.

Shirkan ayaa saddexda dhinac waxay ku saxiixi doonaan heshiis ku aadan sidii qaxootiga Soomalida, ay dib ugu laaban lahayeen Soomaaliya, waxaana heshiiska wada saxiixi doona wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya, iyo wakiilka UNHCR.

Sida qorshuhu yahay, majiri doono xoog ku celin ama khasab, iyadoona sharciga caalamiga ah ee qoxootiga uga yaalla caalamku uu sidaas qabo, waxaana leys weydiinayaa sida iyo goorta dadka mustaqbalkooda laga hadlayo dib ugu laabanayaan dalkoodii.

Xeryaha Dhadhaab, ee dalka Kenya, ayaa waxaa ku jira qoxootiga ugu badan ee caalamka, iyadoona dadka halkaas ku jira ay ka mid yihiin dad ku dhashay xeryaha, kuna ilmo dhalay, waligoodna aan arkin dalka ay ka soo jeedaan ee Soomaaliya, isla markaasna aan la siinin dhalashada dalka ay ku dhasheen ayna ku ilmo dhaleen ee Kenya.

Hoos ka Daawo Heshiiska ay wada gaareen maanta DFS iyo Dowlada Kenya

Somalireal
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online