Ciidamada Booliska Nairobi oo xaafada Islii ku dilay Labo qof oo hub watay
November 13, 2013 - Written by EditorNairobi:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska magaalada Nairobi ay toogteen labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii sanadkii hore lagu qaaday Xildhibaan Yuusuf Xasan xili uu ka soo baxay Masjidka Al-Hidaaya.
Laba nin oo ay saaka dileen ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay ka danbeeyeen weerarkii lagu dhaawacay Xildhibaanka degmada Kama-Kunji Yuusuf Xasan ka dib howlgalo balaaran oo ay ciidanka Sirdoonka iyo kuwa Booliska ka sameeyeen xaafada Islii.
Taliyaha Booliska Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in labada nin ay ku toogteen wadada 12 ee xaafada islii ay wateen hub iyo Bamka gacanta laga tuuro iyaga oo qorsheynayey in ay weeraro ka geystaan magaalada Nairobi.
Ciidamada Booliska Kenya ayaa raaf iyo howlgalo ka wada xaafada Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida waana howlgaladii ugu horeeyey oo ay ciidanka Booliska ku toogteen rag lagu eedeynayo in ay falal amni daro ah ka geyteen gudaha dalka Kenya.
A/Cawale
Halgan.net