Midowga culimada Islaamka oo ku baaqay in gargaar loo fidiyo Soomaaliya iyo Filibin
November 13, 2013 - Written by EditorMidowga culimada muslimiinta caalamka ee uu guddoomiyaha uu u yahay Shiikh.Yuusuf Al- Qardaawi ayaa waxaa ay ugu baaqeen culimada islaamka iyo shacabka muslinka ah ee ku dhaqan aduunka in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan dadkii ku waxyeeloobay roobabkii watay dabaylaha iyo duufaanta ee ku dhuftay Soomaaliya iyo Filibiin. Midowga culimada muslimiinta caalamka ayaa codsi gaar ah u jeediyey Hay’addaha islaamka iyo kuwa caalamka iyagoo ugu baaqay in ay gargaar u fidiyaan dadkaas ku dhibaatoobay roobabkii watay dabaylaha iyo duufaanta.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa roobab xooggan oo ka da’ay Filibin iyo Soomaaliya ayaa waxaa khasaaro iskugu jirta dhimasho iyo hanti beel ay gaartay dad reer guuraa ah waxaan ku cayroobay Kumanaankun oo shacab Soomaali ah gaar ahaan kuwa ku nool degaanada Puntlland iyo dalka Filibin.
Culimo’udiinka waaweyn ee ku dhaqan Puntlland ,ganacsatada ,shirkadaha ganacsaiga ayaa wada gurmada aan kala har lahayn oo ay u fidinayaan dadkii ku wax yeeloobay roobabkii ka da’ay degaanada Puntlland gaar ahaan Gobolka Nugaal ,Bari iyo Karkaar walow laga cabsi qabo in roobabku ay waxyool kale u geystaan meel ka mid ah Gobolka Sool , Sanaag iyo Cayn.
Halkaan ka eeg codsiga culimada Islaamka
Halgan.net