Boosaaso:-Waxay ahayd subaxnimo isniin ah bisha Muxarram tahay 10 sanadka 1433 taariikhda hijriyada, kuna beegan 05/12/2011.Xilligaas la dilayo wuxuu kasoo baxay masjidka Xasan Bin Cali ee magaalada Boosaaso oo uu salaadda subax kusoo tukaday jamaacada, maalmo ka horna wuxuu kasoo noqday xajka, maalintaas waxaa la soomaanaa Caashuuraa. Subaxa la dilayo hebeenkiisii wuxuu masjidka Rowdo kaga qaybgalay nadwo loogu gurmanayey dadkii ku xoolo beelay dabkii baaba’shay suuqii weynaa ee Boosaaso.
Sheekha waxaa maydkiisa la dhigay isbitaalka, ka dibna waxaa janaazadii lagaga tukaday masjidka Rowda salaaddii duhur ka dib.
Waxaa sheekha janaazadiisa iyo aaskiisa isugu yimid dad aad u farabadan. Waxaa kale oo kasoo qaybgalay culumo uu hoggaaminayey Sh. C/qaadir Nuur Faarax Alle ha u naxariistee oo si halhaleel ah uga soo ambabaxay magaalada Garoowe markay maqleen dilka Sheekha, Ilaahay mahadiisna si nabadgalyo ah ayay kusoo gaareen magaalada iyo janaazadiiba.
Maalintaas waxay reer Boosaaso u ahayd maalin madow oo wixii ka dambeeyey uu isbadalay wajiga iyo dareenka reer Boosaaso iyo guud ahaan bulshaada Soomaaliyeed, ayna u bilaabatay taariikh cusub.
Dadkii faraha badnaa ee janaazada isugu yimid ayuu Sh. C/qaadir u jeediyey hadal qiiro leh oo isugu jiray wacdi, guubaabo iyo caddaynta xaqiiqo dad badani moogaayeen ama ismoogaysiinayeen oo ah in kooxda Al-shabaab ay tahay koox baadiyayasan, ayna dishay Sheekha, isaga oo qabrigii Sheekha dultaagan ayuuna habaaray kooxda Al-shabaab.
Sida reer Boosaaso iyo guud ahaan Soomaali taariikh cusub oo wanaagsani ugu bilaabatay ayay Al-shabaabna taariikh madow iyo halaag ugu bilaabatay. Dadkii ogaa xaalkii Al-shabaab ku sugnaa xilligaas iyo sida xaalkoodu uu hadda marayo way u xaqiiqoobaysaa in Rabbi aqbalay ducadii iyo habaarkii Sheekh C/qaadir uu maalintaas qabriga dushiisa ka yiri.
Waxaa kale oo yaab lahaa sida degdegta ah ee Rabbi u kashifay kuwii Sheekha dilay iyo wixii xog ahaa ee ay baxsheen oo ku saabsanaa ciddii soo dirtay iyo siday faldambiyeedka u fuliyeen, taas oo runtii tusaysey in Rabbi aqbalay ducadii sheekha iyo ehlu-khayrka oo dhan.
Dad badan oo u haystay in dulmiga noocaan ah si dhibyar ku gudbayana waxay ogaadeen in Ilaahay daalimiinta uu usugo laakiin aanu fakin markii uu qabto. Waxa Al-shabaab ku dhacay iyo waxa iyaga ka dhexdhacayna waxay wacdi iyo waano u tahay nin kasta ama koox walba oo dulmi iyo xadgudub isu bahaysata ee Soomaaliyeey Ilaahay aynu ka baqno dhamaanteen oo aynu ka dheeraano daadinta dhiigga muslimiinta iyo isu kaashiga colaadda; si aan Ilaahay inoogu ciqaabin sida uu Al-shabaab dunida guudlkeeda ugu ciqaabay aakhiro ka hor.
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com