Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo ka hadlay khilaafka madaxda DFS (Daawo)

November 14, 2013 - Written by Editor

JawaariMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho Shirjaraa’id oo uu uga hadlayo marxaladda uu marayo Dalka gaar ahaanna dhanka siyaasadda isagoo fariin gaar ahna ukala diray Xildhibaannada Golaha Shacabka,Shacabka Soomaaliyeed iyo Saxaafadda.

“ugu horeyn waxaan rabaa inaan u jeediyo Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka inaan ku adkeeyo ama uga digo in arimaha khilaafaadka siyaasiga ee laanta fulinta ka jira aysan u ololeyn ama Warbaahinta uga hadlin taasi oo aan ula jeedo hadii khilaafaad siyaasi ah ay yimaadaan oo Madaxda dalka dhexdeeda uu khilaafaad siyaasi ah soo kala dhexgalo hor iyo horaan waxa weeye odayaal baa la yahay oo walaga fariisanayaa,waa laga wada hadlayaa,waana la xalinayaa,hadii ay taasi dhici weyso waxey usoo biyo shubaneysaa in Golaha Shacabka ay timaado maadaama ay taasi tahay mas’uuliyadda Baarlamaanka loo sameeyey in arimahan oo kale go’aan uu ka gaaro”ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in Xildhibaanku ka joogo arintan halka Qaadiga ama garsooraha uu ka joogo xukunka mana haboona ayuu yiri in Qaadiga ayada oo xukunka uu xafiiskiisa dhexyaalo aanay habooneyn inuu banaanka ugasii hor dhaco arinta uu xukumayo ama go’aanka ka gaarayo waxaana uu ku baraarujiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka iney dhowrtaan mas’uuliyadooda Xildhibaannimo iyo awoodda ay leeyihiin oo aanay dhicin in warbaahinta laga ololeeyo maadaama aanay hada lagu jirin ololle oo lagu jiro xalin ama maslaxad.

“Arinta Labaad ee aan doonayo inaan ka hadlo waxey tahay Xukuumaddu weey noo shaqeyneysaa, adeegga shacbiga loo hayana wuu socdaa,wax xumaanaya haba yaraatee ma jirto sidaas darteed waxaan shacbiga Soomaaliyeed ka codsanayaa iney kalsoonidooda qabaan,mahad Alle ayaa leh maanta waxaan leenahay Gole Shacbi oo shaqeynaya oo u duuban hogaaminta siyaasadda dalka iyo maareynta dhibaato kasta oo timaada,qof ahaan aadbaan ugu kalsoonahay in Golahan Shacabka ay aqoon iyo karti buuxda u leeyihiin iney xaliyaan mushkilad kasta oo imaada ,shacabkana waxaan ka codsanayaa iney ku kalsoonaadaan”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in mahad kale oo Alle looga mahad celinayo ay tahay in dalku leeyahay shuruuc iyo Dastuur oo arimahan oo kale lagu kala maareeynayo sidaas darteedna aysan jirin wax xumaanaya oo ay tahay in la is dejiyo oo aan loo baahneyn in wax la buun buuniyo oo qof kasta uu ogaado iney dalkan mas’uuliyad ka saarantahay oo uu ku fekero sida xal loo gaari karo oo wax loo xasilin karo.

“arinta ugu dambeysa waxaan u jeedinayaa Warbaahinta iyo Saxafiyiinta,dadka saxafiyiinta ee warbaahinta ku shaqeynaya dhammaan
waxaan xusuusinayaa in qalinka iyo qalabka aad ku shaqeyneysaan uu idiinku yahay Allena idinkula xisaabtamayo,arin fiican ma ahan inaad buun buunisaan waxaanan jirin ama kuturukuteen ah oo aan loo baahneyn aad umadda ku jahwareerisaan, mas’uuliyad ayaa ku saaran,muwaadinbaad tahay oo dalkan mas’uuliyad ayaa ka saaran fadlan ha noqonina kuwo qasaaro ku shoob ah oo noqda kuwo hormarka ku faana,Mahadsandiin” ayuu hadalkiisa kusoo gebagebeeyey Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Hoos ka Daawo shirkajaraa’id ee uu qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Maxamed Cusmaan Jawaari

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka

Media & Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online