Aabbe 6 caruur ah iyo Hooyadood kaga dhinteen roobabkii ka da’ay Puntland(Cod/Masawiro)
November 18, 2013 - Written by EditorAxmed Xassan Ismaaciil waa Aabe ay caruurtiisa oo lix ah iyo hooyadood ay kaga dhinteen roobabkii iyo dabaylihii duufaanaha watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Gobolka Nugaal, Bari, Karkaar. Aabbe Axmed Xassan Ismaaciil ayaa saxaafad u sheegay in xiliga dabaylaha iyo roobabku ay ku dhufeen oo xoolo uu lahaa uu ka xeeyey meel taag ah ka dibna markii uu ku soo laabtay meeshii ay reerku u deganaayeen uu ugu yimid reerkiisii oo uu daadkii uu la tegay xoolahiina ay dhinteen.
Qoyska Axmed Xasan allaha u naxariistee ayaa waxaa ay deganaayeen meel la yiraahdo Yabaarasuug oo u dhow tuulada Ceel-madow oo ka tirsan Degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal. Roobabka dabeylaha iyo duufaanaha watay ee ku dhuftay degaanada Puntlland ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan waxaan ku cayrtoobay boqolaal dad ah oo xoolihii ay lahayeen ay ka dhinteen.
Culimo’udiinka ku nool degaanada Puntland ayaa waxaa ay wadaan gurmad xooggan iyagoo maalmihii la soo dhaafay gaarsiiyey gurmada iskugu jira Bur , Sonkor , Bustayaal , Saliid , Buskud , Timir , Dhar iyo Agab kale, culimada ayaa waxaa ay xalay ku hoydeeb degaanka Dangorayo waxan la filayaa in saxaafada ay uga warbixiyaan socdaalkii ay ku tageen degaanada fogfog ee dhibaatadu ka dhacday.
Hoos ka Dhagayso Waraysi Aabe Axmed Xassan Ismaaciil
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net